Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Xukuumada Soomaaliya oo Wacad Ku Martay in ay Dalka Ka sifeyneyso Xarakada al shabaab.

Sept,27,2011 www.Hobyoradio.com

 

Xukuumada Soomaaliya oo Wacad Ku Martay in ay Dalka Ka sifeyneyso Xarakada al shabaab.

Raisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya oo kusugan Magaalada oslo ee Dalka Norway ayaa sheegay in ay Wax badan ka Qabanayaan Xaalada Dalka soomaaliya mudada Yar ee uharsan xukuumada uu Raisul wasare gaas hogaamiyo.

C/wali Maxamed Cali ayaa sheegay in mudadii Yareed uu Xilka hayay ay Wax Badan ka Qabteen xaalada Magaalada Muqdisho iyo ayagoo dalka ka eryay Xarakada Kooxda al shaabab awoodiina ay Wiiqeen.

Mar uu wareysi siinayay Idacada BBC.da ayuu sheegay in Xukuumada ay Wado Qorshe Magaalada Muqdisho iyo Gobolada kale Ee Dalka Loogaga Saarayo al shabaab Dibna loo soo Celinayo Amaankii iyo Kala Dambeyntii Ka jirtay Dalka soomaaliya.

C/wali Gaas oo todobaadyo Socdaalo Ku Maraya Magaalooyinka New York ,Toronto,iyo Magaalada Oslo Ee Dalka Nor Way oo dhamaan tood kulamo Kula Qaatay Jaaliyadaha halkaasi ku sugan iyo asagoo Ka qeyb galay kulankii golaha amaanka ee Magaalada New York.

Su aal La weydiiyay Raisul Wasaaraha ayuu sheegay in Gobolada Dalka sida Galmudug ,puntland,somaliland ay dhamaantood kamid yihiin Dalka Soomaaliya mardhowna la isku Keeni Doono.
Kala xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|