![]() |
||
|
|
||
|
Degmada
Bandiiradleey
oo laga
Soo
sheegayo
dhibaatooyin
ay
Maleeshiyo
Isbaaro
utaal
Ugaysanayaan
dadka
Rakaabka
ah ee
isticmaala
Wadadaas,
Xili uu
halkaasi
Ka Socdo
Shir
looga
Hadlayo
Nabad
galyada
Deegaanada
Gal-Mudug
State.
Sept,27,2007 www.Hobyoradio.com
Waraka ka imaanaya deegaanka Bandiiradley oo 60 k.m. dhaiaca koonfur kaga beegan magaalda Gaalkacyo ee xarunta dawlad goboleedka Gal-Mudug State islamarkaasina ka tirsan deegaanda Gal-mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jirto dhibaatooyin xoogan oo loo gaysanyo dadka iyo gaadiidka isticmaala waddada laamiga ah ee isku xirta Gaalkacyo iyo gobolada dhexe taasoo ay maleeshiyo ay dhigteen isbaarooyin isla markaana ay wax yeelo ugaystaan dadka rakaabka ah ee la socda gawaarida oo mararka qaar loo gaysto dhac hantiyadeed, handadaad iyo rasaas aan loo aaba yeelin oo lagu furo gawarida xamuuulka ah waxaase dhacdadii ugu danbaysay ay dhacday habeenimadii arbacada ee ay taariikhdu ku beegnayd 25/9/2007 oo falal waxuushnimo ah loo gaystay qaar ka tirsan dumar la socday gaari ka yimid muqdisho kuna soo jeeday Gaalkacyo ayadoona dumarkaasi faraxumayn ay ugaysteen maleeshiyo ay isbaaradu utiil meel aan sidaasi uga fogayn Bandiiradley sida uu noo xaqiijiyay abwaan Cali Deeq Max’ed Xaashi oo ku sugan Bandiiradley isla markaasina ka mid ah Ergada ka qayb galaysa shirka ka socda halkaasi. waxaa habeenimadii arbacada uu gaari kula jabay isbaarada udhaw Bandiiradley taasi oo ay udheerayd lacago farabadan o ay maleeshiyo waydiisteen gaariga oo habeenkaasi ku hoyday goobta isbaarda.
maleeshiyada ayaa farxumayn baahsan iyo hantiyadeed u gaystay dumarkii lasocday gaariga abwaan Cali Deeq Max’ed Xashi oo qadka telefonka mobilka loo yaqaan kula soo xiriiray warbaahinta hobyoradio xaafiiskeeda Gaalakacyo ayaa intaasi raaciyay in arintaasi ay si aad ah uga xumaadeen dhaamaan shacabka kunool Bandiiradley iyo Eragada ka qayb galaysa shirka looga hadlayo nabad galyada deegaanada Gal-mudug oo uu sheegay in ay ku tilmaameen falal ka baxsan shareecada islaamka, dhaqanka suuban iyo xuquuqda bani aadamka. Cali Deeq oo xiligii aan la hadlaynay dhex taagnaa qaar ka tirsan dumarkii la farxumeeyay ayaa inaasi ku daray in Ergada shirka ay lacago u aruuriyeen dumarkii wax yeelada loo gastay saadkii ay wateena laga qaatay islamrkaasna gaari loo soo saaray Gaalkacyo. Warka aan ka helayno ilo muhim ah ayaa sheegaya in mid ka mid ah dumarka la faraxumeeyay ay xaaladeedu aad uliidato inkasta oo aanan helin goobta caafimaad ee la geeyey iyo magaceeda toona. Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horaysay oo dhibaato noocaan oo kale ay maleeshiyadu ka gaystaan wada laamiga ah ee isku xirta Gaalkacyo iyo gobolada dhexe 24-tii bishaan ayay ahayd markii nin darawal ah lagu dilay halka loo yaqaan been dhaarte oo udhaxaysa degmada Galin-soor iyo degmada Cadaado ee gobolka Gal-gaduud ninkaan oo lagu magacaabi jiray Cali Faqasha ayaa sida warka aan ka helayno deegaanadaas waxaa dilkiisa ka danbaysay kadib markii kooxo isbaaro utiilay been dhaarte ay tacshiirad la beegsadeen gaariga uu ninka geeriyooday watay oo ahaa nooca loo yaqaan waaradka oo gawaarida waa wayn ah kana tagay Gaalkacyo kuna sii jeeday magaalada Baladweyne ee gobolka hiiraan. Guud ahaan arimahaan ayaa ah kuwo ku soo beegmaya xili deeganka Bandiiradley uu mudo 16bari ah ka socdo shir looga hadlayo nabada galyada deegaanada Gal-Mudug State oo ay ka mid tahay wax yaabaha looga doodayo isbaarooyinka faraha badan ee dhibaatada ku haya bulshada Soomaaliyeed. Cabdalla Max'd Cabdille Xaafiiska hobyoradio Gaalkacyo, Gal-Mudug State of Somalia,
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||