![]() |
|||
|
|
|||
|
Madaxa
Caafimaadka
Isbitaalka
Degmadda
Cel-Guula
Dr.Cali
Cabdi
Faarax
oo ka
warbixiyay
Bukaanka
Ugu
badan ee
Soo
gaara
Cel-guula
Hospital.{
Daawo
Sawirada
Cel-Guula
Hospital}
Sept,27,2007 www.Hobyoradio.com
Madaxa caafimaad ee isitaalka degmada Cel-Guula isla markaasina ah dhaqtarka guud ee deegaanka Cel-Guula Dr.Cali Cabdi Faarax ayaa ka warbixiyay xaalada guud ee isbitaalka iyo dadka ugu badan ee yimaadda isbitaalka xanuunada ay qabaan.
Dr. Cali Cabdi Faarax oo qaabilaya Hooyo iyo Gabadheed yar oo xanuunsan
Dr.Cali Cabdi Faarax oo waraysi gaar a siiyay warbaahinta hobyorado mar aan dhawaan booqasho kutagnay isbitalka Cel-Guula ayaa sheegay in hawlaha shaqo ee uu hayo isbitaalku bulshada ay tahay mid si wanaagsan u socota isla markaasna uu isbitaalku maalin kasta qaabilo bukaano farabada oo qaba xanuuno kala duwan oo ay ka mid yihiin Malariyada. Tiifowga,Shuban biyoodka, iyo infactionada ku dhaca ragga iyo dumarka oo inta badan ku dhaca xubnaha taranka iyo kaadi mareenka. asagoo dhaqtarku sheegay in uu yahay kan ugu badan ee laga helo dadka ay baaritaanka ku sameyeen ee ugu yimaada isbitaalka CelGuula.
Dr.Cali Cabdi Faarax oo aan waydiiyay su’aal ahayd halka ay bukaanadu uga yimaadaan ma Cel-Guula oo kaliyabaa mise waxaa jira meelo kale oo bukaanku ka soo aado isbitaalka? waxa uu ku jawaabay bukaanadu waxay ka yimaadaan Cel-Guula gudeheeda, uulooyinka udhow iyo waliba baadiyaha asagoo intaasi raaciyay in dadka miyiga ka imaanaya ay aad ubadanyihiin marka la eego kuwa gudaha Cel-Guula "Waxaa maalin kasta na soo gaara oo aan baaritaan kusamaynaa dad aad ubadan oo ka yimaada meelaha miyiga ah ee aadka uga fog Cel-Guula kuwaas oo noo sheega in ay habeen iyo maalin usoo socdaan isbitalka CelGuula, anguna waxaan usamaynaa baaritaan kadibna daawadii loo qoro waxay ka iibsadaan goobaha lagu gado daawada ee pharmacy-ha gudaha Cel-Guula "Ayuu yiri Dr.Cali Cabdi Faarx oo ugu danbayntii u mahadceliyay warbaahinta hobyoradio oo uu xusay in ay tahay warbaahint kaliya ee tix galinta siisa deegaanka Cel-Guula oo aysan jirin idaacad ama warbahin kale oo wali timid aan ka ahayn hobyoradio xaafiiskeeda Gaalakcyo wariye Cabdalle M Cabdule.
Isbtaalka degmada Cel-Guula ayaa waxa uu ka koobanyahay laba qaybood oo kala ah qaybta caafimaadka ee cudurada guud iyo qaybta TB-da waxaana hada si rasmi ah ushaqeeya qaybta TB-da isbitaalka oo furnaa modo ku dhaw afar sano ayaa waxaa mudasaas gacanta ku hayay Ururka SOSDA oo ah urur samafal oo ka jira gobolka Mudug waxaana dhinaca daawada TB-da ka caawinaysay hay’ada WHO ayadoo dhinaca mushaaraadka shaqaalaha iyo tasiilaad ka kale ay daboolayeen ururka Daryeel Sweden oo asagu gacan weyn ka gaystay dhamaan hawlaha SOSDA ay ka wado gobolka Mugug.
Waxaa dhawaan qaybta TB-da isbitaalka Cel-Guula la wareegay hay’ada MSF Holand oo ah hay’ada hada gacanta ku haysa isbitaalka weyn ee magaalada Galakcyo ee dawlad goboleedka Gal-Mudug State. Hawl wadeenada MSF ayaa asbuuc kasta kor meer ku taga isbitaalka degmada Cel-Guula oo ay hay’ado ka caawiso dhinaca daawada iyo mushaarka shaqaalaha ka hawl galaya. waxaana hawlaha ay MSF ka wado Cel-Guula hormuud ka ah isla markaana fududeeyay ururka SOSODA oo mudadii uu isbitaalku dhisnaa gacanta ku hayay hadana wada shaqayn la leh MSF Holand agaasimana uu ka yahay Shuuke Xogolof, dadka deegaanka ayaa si weyn usoo dhaweeyay hawlaha samafalka ah ee ay ha’ada MSF Holand ka wado degmada Cel-Guula gaar ahaan Cel-guula Hospital. Cabdalla Ma’d cabdille Xaafiiska hobyoradio Galkacyo,Gal-Mudug State of SOMalia
Hobyo Radio News Media |
|||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
|||