|
Sheekha Hogaaminaya xujayda Iran oo ku baaqay in loo duceeyo dadka iyo dalka Somalia
Sept,28,2011
www.Hobyoradio.com


Hogaamiyaha Ugu Sareeya Wafdiga ka socda dalka Iran ee Xajka ku sugan oo Muslimiinta ugu Baaqay in ay uso duceeyaabn dadka abaarta Ku heyso dalka soomaaliya.
Qazi Asghar oo ah hogaaminaya xujeeyda dalka Iran ee Sanadkaan Xajineysa ayaa ku Baaqay in Xujeyda Caalamka Ee Sanadkaan Xajineysa in ay duceeyaan muslimiinta aduunyada ku dhibaateysan Gaar ahaan Kuwa Dhibatada iyo abaarta ay La Dagtay Ee Soomaaliya.
Qazi Asghar ayaa la sheegay in uu yiri Xajka waa mid ka mid ah wax yaabaha Muslimiinta ay ku guuleestaan waa in laga maarmo kaalmada ay reer galbeedka u siinayaan Muslimiinta aduunyada ku dhibaateesan Taasi oo ah mid aanan wax Faa iida ah ukeeneynin muslimiinta.
Hogaamiyaha diinta dalka Iran Qazi Asghar oo sii hadlayay ayaa intaa ku daray Xajjka in uu muujinaayo isku duubnaansho xagga Muslimiinta Ee Sanad Waliba kus oo Xajisa asagoona dadka ku booriyay wadamada Islaamka in ay kor u qaadaan Kaalmada ay siinayaan wadamada dhibaatad heysa.
Waxa uu sheegay Xujeeyda sanadkii hore soo xajisay in ay bixiyeen in ka badan 200 million oo lacag taas oo la siiyay dalalka Soomaaliya iyo dka Pakistan oo ay ku dhufteen daadad iyo abaaro xoogan Tasi uu Sheegay in aysan Wali Kasban lana doonayo in mar kale loo aruuriyo loona soo duceeyo.
Ayatollah Seyyed Ali Khamenei oo ah Hogaamiyaha kacaanka Iran aya isna shegay in uu mar kasta jecelyahay Islaamka inay is gacan qabtaan oo ay iyaga ahaadeen quwada weyn Caalamka Taasi oo Had ka keeneysa hadalkaan oo ah in Muslimiinta Loo gargaaro.
Dalka Soomaaliay Waa Dalka ugu Dhibaatada Badan Caalamka ayadoona Maalinkasta lagu dilo dadka kuwa kalana lagu Dhaawaco.
Kala xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|