|
Qaxootiga Reer Muqdisho Oo Bilaabay in ay Cunaan Geedka Tiitiinka Loo Yaqaano.
Sept,29,2011
www.Hobyoradio.com


Qaxootiga Reer Muqdisho Oo Bilaabay in ay Cunaan Geedka Tiitiinka Loo Yaqaano.
Ayadoo Caasimada Soomaaliya Ee Muqdisho ay Noqotay Meel dadkii Wax ay Cunaan Waayeen misna ay jiraan Qaxooti Cusub oo Maalinkasta soo Gasha Magaalada Muqdisho Kuwaasi oo Ka soo barakacaya Degaamada iyo Degmooyinka Dalka ay Gacanta Ku Hayaan al shabaab.
Qaxooti Kusugan Magaalada Muqdisho ayaa Bilaabay in ay Cunaan Geedka Qodxoolaha ah ee Tiitiinka Kaasi oo ay sheegeen in ay Raashin Ka dhiganayaan Maadaama aysan Heysan Wax ay .
Qaxootigaan Hada Bilaabay Cunista Geedka aya la sheegay in ay ka soo Carareen Gobolada Bay iyo Bakool Muqdishina ay Joogaan Mudo 20 Cisho ah Walina aysan Helin Wax Raashin ama Macaawini ah Taasi Oo Keentay in ay Karsadan Geedka Tiitaanka Dabadeena ay Cunaan.
Hooyo 61 Jir ah misna gacanta Ku Heysata Geedka tiitiinka ayaa sheegtay in ay Xaaladooda Sidaan Mareyso Maadaama Hey’adaha Qaxootiga ah aysan Wali Ka helin Wax Kaalmo Bini aadanimo ah gaajana anan lagu Joogi Karin Balse ay Hada iska Sii cunayaan Geedkaan Tiitaanka La Yiraah oo qodaxda Badan.
Qaxootiga Ku Dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa Bilaabay in ay Cunaan Geedka Tiitaanka Taasi oo Sababtaty in ay Faraha ka sii Baxdo Qaxootigii muqdisho kunoolaa iyo ayagoo la ah Waxa ay afka galiyaan.
Majirto ilaa iyo Hada wax cadeyn kara halka ay ka Baxday Deeqaha Tira Badan Ee Maalinkasta Muqdisho Soo Gaarta iyo Meelaha la Mariyo Waxaana La shaaciyay in ay Deeqahaasi iska Qaataan dad Dharag La Seexaan Waayay Misna la Meel ay Dhigaan Deeqahaan Baqarada ugu Xareysan halka Dadka Qaarkoodna ay udhimanayaan.
Kala xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|