Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Cali Xisbi, oo ka hadlay Furitanka Dakada Hobyo, Asagona Sidoo kale Amaan u jediyay Idaacada Hobyo.

Sept,29,2011 www.Hobyoradio.com

 

Cali Xisbi, oo ka hadlay Furitanka Dakada Hobyo, Asagona Sidoo kale Amaan u jediyay Idaacada Hobyo. DHAGAYSO Waraysi qaade Agaasime Siciid Jaani



Cali Xasan Cali {Xisbi} oo ka mid ah Siyaasiyiinta Galmudug Islamarkaana horay Xil uga soo qabtay, Ayaa Caawa ka hadlay Furitaanka Dakada Magaalada Hobyo, Asagoona Sidoo kale Amaan U jeediyay Idaacada Hobyo, Sida wanaagsan ee Ay ugu shaqayso Shacabka iyo Dawlada Galmudug.

Cali Xisbi, oo qadka Talefanka ugu waramayay Asagoo ku sugan Magaalada Muqdisho, Wariye Siciid Jaani, Ayaa ugu horayn ka hadlay Marxaladihii soo maray Dakada Hobyo, Waxa uuna Carabaabay in Dakada Hobyo, la diiday Furitaankeda, Xiligii uu Madaxweynaha ka ahaa Jamuuriyada Soomaaliya, Allaha U naxariistee Gen: Maxamed Siyaad Bare.

Sidoo kale Cali ayaa shaaca ka qaaday in Qalabkii Dakada Hobyo lagu furay Dakada Boosaaso, Islamarkaana, taasi ay ahayd Qalad laga galay Umada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolada dhexe Wadanka Soomaaliya.

Siyaasiga Reer Galmudug Cali Xisbi ayaa sheegay in Dakada Hobyo furitaankeda hadii ay iska kaashadaan Shacabka iyo Dawlada Galmudug, si sahal ah loo furayo, waxa uuna Cali Carabka ku dhuftay in ay jiraan Dad aan rabin furitaanka Dakada Hobyo, islamarkaana dano gaar ah ka leh, waxa uuna ugu baaqay Shacabka iyo Dawlad Gobaledka Galmudug in ay Gacmaha is qabsadaan, una istaagaan furitaanka Dakada Hobyo.

Ugu danbaytii Cali Xasan Cali ayaa hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in waqtigaan Awood u leeyihiin Shacabka iyo Dawlad Gobaledka Galmudug, furitaanka Dakada Hobyo, islamarkaana la doonayo in hurdada laga kaco, loona wada istaago sii loo hirgalin lahaa, Dakada Magaalada Hobyo.

Dhan Walba hajirtee hadalka Cali Xisbi ayaa imaanaya Xili Mudooyinkii ugu danbeyay ay socdeen, Qaban qaabo ku aadan sidii loo furi lahaa Dakada Magaalada Hobyo.

Siciid Jaani
siciidjaa@hotmail.com
Kala xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|