Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Diyaarado jooga hoose ku dulaya oo duqeeymo kageeysta Ceelbuur iyo Ceel dheer

Sept,30,2011 www.Hobyoradio.com

 

Diyaarado jooga hoose ku dulaya oo duqeeymo kageeysta Ceelbuur iyo Ceel dheer
 
Diyaarado joog hoose ku duulayay ayaa maanata duqaymo ka gaystay degmada Ceel buur iyo deegaanada ku dhow dhow ee gobolka Galgaduud halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Al Shabaab.
 
Barqanimadii maanta ayaa waxa la sheegay in diyaarado ay duqeymo ka gaysteen degamada Ceel buur ee gobolka Galgaduud iyo deegaan ka mid ah deegaanada hoostaga degmadaasi kaasi oo lagu magacaabo Ceel garas kuwaasi oo duqeeyay meelo ay ka mid tahay saldhiga wayn ee degmadaasi.
 
Duqayntaani la sheegayo in loo gaystay Ceel buur ayaan si dhab ah loo ogayn qasaaraha ka dhashay, iyadoo wararka halkaasi kasoo baxaya ay yihiin kuwa is qilaafsan xili markii ay dhacday duqayntaasi ay hawada ka baxday isgaarsiinta degmadaasi oo haatan dib usoo laabtay.
 
Maalmihii u dambeeyay ayaa deegaanada ay ka taliyaan Al Shabaab waxaa lagu arkayay iyagoo dul heehaabayo diyaarado joog hoose ku duulaya kuwaasi oo qaybo ka mid ah gobolka Jubada hoose horay duqaymo uga gaystay gaar ahaan fariisimo Al Shabaab ku leeyihiin halkaasi.
 
liibaan c/laahi faarax {qaran}
Kala xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|