|
M/weyanaha Galmudug oo ka qaybgalay Shirkii Xiriirka kooxaha caalimaga ee Soomaaliya (International Contact Group)
Sept,30,2011
www.Hobyoradio.com




M/weyanaha Galmudug oo ka qaybgalay Shirkii Xiriirka kooxaha caalimaga ee Soomaaliya (International Contact Group)



Madaxweyanaha dowlad goboleedka Galmudug Col. Max’ed Ahmed Caalin ayaa shalay soo gaaray magaladda Copenhegan ee magalo madaxda dalka Denmark, Shirkii Xiriirka kooxaha caalimaga ee Soomaaliya ayaa lagu soo gabageeyey maanta magaalada Copenhagen ee dalka Denmark. Shirkaan oo ah kii 20aad ayaa ujdeedadiisu tahay sidii dhaqaale loogu raadin lahaa hawlaha mashaariicda ee lagu kaalmeynayo dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada. Shirkan ayaa waxaa gudoominayay ergayga qarinimada midoobay u qaabilsan arimaha Somalia Augostino Mahiga.
Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay M/weyanaha Galmudug, R/wasaaraha Somalia,Gudoomiyaha barlamaanka , Wasiirka arimaha gudaha, wasiirka gaashaandhiga,wasiirka dastuurka iyo arimaha federaalka iyo xubno kasocda Puntland.
Qodobadii looga wada hadlay Shirka Copenhegan,Denmark
-
Hirgalinta shirkii Qorshe Hawleed (Road Map) ee dowladda ay kaga bixi lahayd nidaamak Ku-Meel Gaarka
-
Xaaladda abaaraha iyo sidii wax looga qaban lahaa
-
Wax ka qabashada dhibaatada Burcad Badeeda
-
Ilaalinta xaquuqda bani-aadamka iyo dumarka
-
Horumarinta iyo dib-dhiska
Go'aamadii kasoo baxay shirka Int Contact Group:
-
In la hirgaliyo heshiiskii Qorshe Hawleedka (Road Map) ay wada saxiixeen dowlad gobleedyada iyo Dowladda Ku-meel gaarka ah
-
In hay'adaha bulshada riyadka (Civil Society) laga qayb-galiyo wada tashiga iyo qorshe hawleedka
-
In beesha caalmaka ay kaalmeyso heshiiyada lagu gaaray Xamar, kaalmadaasna ay ku xirantahay sida ay u hirgaliyaan qorshe hawleedka.
-
In la abuuro sanduuq dhaqaale lagu kaalmeynayo dhammaan qaybaha kala duwan ee sugidda naba-galyada
Dhanka kale madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Max’ed Ahmed Caalin ayaa kulan aad u balaaran loogu qabanayaa 2 Octobar,2011 Waqtiga 5:00pm to 11:00pm , Jaaliyadda Galmudug ee Denmark ayaa soo qabanqaabisay shir si weyn loo agaasimayay oo lagu wado inuu kadhaco hoolka weyn LAILA SELS ee magaladda Copedhegan
M/weynaha Galmudug ayaa kadib kulanka weyn ee Denmark waxa uu kusii jeedaa magaladda London ee dalkaasi England ayadoo halkaasina uu kula kulmidoono jaaliyaddaha Galmudug iyo mida Somaliyeed ee kudhaqan halkaasi.
Kala xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|