Xaflad  lagu Maamuusayo Sanad Guuradii 1aad Ee (DG) GalMudug  State oo lagu qabtay Magaaladda Minneapolis  Ee dalka Maraykanka.

Sept,4,2007 www.Hobyoradio.com

Xaflax si weyn loosoo agaasimay oo lagu maamusayay Sanad Guuradii 1aad ee ka soo wareegtay dhismihii Dowlad Goboleedka Galmudug State ayaa lagu qabtay magalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Munaasabadan Sanad Guurada 1aad ee Galmudug ayaa Xafladda waxaa soo qaban qaabiyay Jaaliyada Galmudug ee gobolka Minnesota gaar ahaan  C/aziz Xogolof, Qaali Ahmed Kadiye, Ayan Abdi Hasan, Qadra Awreeye, Sahra Salaad Du'aale, Waris Hashi Geele, Husein Warsame Cali.

Xafladdaas oo si weyn loosoo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay Qaybaha bulshada Waxgaradka,Culumaa'udiinka, Haweenka, Dhalinyara iyo Madaxda Galmudug State.

Sheekh. Cabdullaahi Faraweyne

Madaxa Jaliyada Galmudug Mudane. Mohamed Urur

Munaasabadan Sanad Guuradda 1aad ee Galmudug ayaa waxaa ugu horayntii  aayado Quraan ah iyo Wacyi ka  jeediyay Sheekh Cabdullaahi Faraweyne, Waxaa Sidoo kale Halkaasi ka hadlay Madaxa Jaaliyada Galmudug Mudane Mohamed Ahmed Urur, Wasirka Howlaha Guud  Mudane Hasan Maxamuud Hayl, Dr. Cabdirahman Haji Ereg, Sheekh Cali Soomow, Col. Hasan Mohamed (Hasankornayl), Marwo Maryan Warsame Cowl, Husein Sheekh Nuur  iyo Faysal Ahmed Salaan.

Xaflada Xuska DG Galmudug ayaa lagu soo bandhigay Gabayo, Baraanburo, Heeso iyadoo ay kasoo qayb galeen fanaaniinta ugu caansan W/Amerika oo ay kamid ahaayeen  Fartuun Cumar, Huseen Cali Miiraale, iyo Max'ed Jeesto.

Wasir Howlaha Guud  Mudane Hasan Maxamuud Hayl

Dr. Cabdirahman Haji Ereg

Munasabadan Sanad Guurada 1aad  ayaa waxaa laga aqriyay Qudbad uu soo diyaariyay Madaxweynaha Galmudug State Prof. Mohamed Warsame Cali (kiimiko) oo ka hadlaysa Tariikhda iyo Maamul wanaaga, waxaana halkaasi ka aqriyay Wasiirkiisa Howlaha Guud Hassan Maxamuud Hayl.

C/aziz Xogolof

Minneapolis, MN

xogolaf@yahoo.com

Col. Hassan Mohamed (Hasan Kornayl)

 Sheekh  Cali Soomow

Marwo. Maryan Warsame Cowl

Husein Sheekh Nuur

Faysal Ahmed  Salaad

Fananka Cusub C/qadir Osman Ali

Fanaan Max'ed Jeesto

Max'ed Jeesto, fartun Cumar, Ayaan Abdi

Fanaanka Weyn Huseen Cali Miiraale

Al Fanaan Huseen Cali Miiraale  iyo Fanaanada Fartuun Cumar

   

  

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

SANNAD-GUURADA 1aad EE  

GALMUDUG

14kii Agoosto 2007

Walaalayaal,

Waxaan idiin soo gudbinayaa salaam aad u qiima badan.

Ugu horayn, waxaa mahad leh Allaha Weyn ee maanta na gaarsiiyey in aan markii ugu horaysay u dabaaldegno sannad-guuradii 1aad ee dhismaha Galmudug ee 14ka Agoosto. Waxaan dhammaantiin leenahay Hambalyo, waxaanan Eebbe ka baryaynaa in sannadkan sannadkiisa kale nagu gaarsiiyo nabad, horumar iyo barwaaqo.

Maalintani waa maalin qiimo gaar ah u leh bulshada Galmudug oo markii ugu horraysay si wadajir ah u gaaray go’aammo taariikhi ah ee dadka iyo degaanka bulshadaas gudo iyo dibedba, ayna ku dhisteen maalmul-goboleedka la magac baxay GALMUDUG, kaasoo degaanka gobolladiisu leeyihiin dadweyne cammirran, degaan mmuqda, khayraad buuxa iyo xudduudo cayiman. Waxay taariikhdu qori doontaa, kadib dhibaatooyin iyo halganno farabadnaa ee gaar ahaan bulshada degaankaas ugu ballaaran ay soo mareen sannado badan, in ay sannad kahor maanta oo kale ay soo  gabagabeeyeen talooyin dhaxalgal ah ee ay ku diirsan doonaan intooda nool, una aayidoonaan jiilaka danbe ee bulshadaan.  

Haddii aan taariikh kooban ee degaanka maamulku ka dhashay dib ugu laabto, waxaad markhaati ka wadatihiin in iyadoo guud ahaan bulshadeennu dhibka guud la wadaagtay ummadda Soomaalieed badankeed, ay haddana la dersay dibudhac iyo caddaaladdarro kasoo jeedda xilliyadii gumaysiga iyo dowladihii lasoo maray ee sanadihii lixdanaadkii. Waxaa si gaar ah degaanka u taabtay cadaadintii iyo cunaqabatayntii xilligii dheeraa ee xukunkii ciidammada. Waxaa arrimahaas caddayn u ah dhaxalka cakiran ee dhulkeenna oo ay ka mid yihiin:

  1. Dhulka Galmudug oo dhererka xeebtiisa lagu qiyaaso ilaa 345 Km lagama dhisin deked iyo ayraboorro midna.
  2. Degaanka gobolkii ex-Mudug marna looma samayn degmooyin ku wajahan dadka degaanka, wuxuuna ahaa gobolka dhul ahaan ugu baaxadda weyn gobollada dalka.
  3. Nooc kasta ee dhismo ah ee adeeg bulsho looma abuurin; sida wadooyin, isbitaallo, dugsiyo sare iyo xataa xafiisyo dowladeed, gaar ahaan caasimadda Gaalkacyo (FG. Sababo siyaasadeed awgood, dhinaca woqooyi ee magaalada Galkacyo keliya ayaa leh dhismo dowladeed ee isbital iyo dugsi sare, iwm).
  4. Waxaa bulshada degaanka waqtiyadii u danbeeyey dawladnimada lala beegsaday dhibaato toos ah ee dil, barakac iyo burburin naf iyo maalba isugu jira.
  5. Dagaalladii sokeeye ee waqtiyadii sagaashanaadka iyo dhawaanba degaanka ka dhacay waxay abuureen xaaluf dhinac walba ah.
  6.  Iyadoo masiibooyinka dabiiciga ah sida abaaruha ay degaanka aad u saameeyeen, 17kii sano ee dowlad la’aanta waxay hay’adaha samafallada iyo kuwa deeqaha bixiyaba cidleeyeen guud ahaan degaanka iyo dadkiisa.

Haddaba, iyadoo laga ambaqaadayo xaaladaha kore oo ay wehliyaan waxqabad la’aanta ay sababtay maamul tayo leh oo aan hore uga jirin degaanka iyo dibudhaca lagu sameeyey awooddii odayaasha dhaqanka; waxay u hawlgaleen waxgaradka bulshada oo ay hormuud u ahaayeen Jaaliyadaha dibeddu abaabulka bulsho iyo qabashada shirweyne guud ee lagu dhiso maamul shaqayn kara ee u hawlgala wax-u-qabadka, dibusoo noolaynta iyo horumarinta dadka iyo degaanka, siiba dhinacyada adeegga guud ee caafimaadka, waxbarashada, dhaqaalaha iyo sidoo kale nabadagelyada iyo nabadaynta bulshadaas.

Waxaa xaqiiq ah in tallaabooyinka dib-u-habaynta dhaqanka iyo taabagelinta maamulka ee shirweynaha kasoo baxay ay ahaayeen kuwo si aad ah bulshadu ugu baahnayd, una qalanta degaankeenna,  maadaama Gobolku leeyahay muhimaddahan:

 

v     Istiraajiyad dhuleed iyo mid siyaasadeed maadaama uu ku yaal bartamaha Dalka ee kala qaybiya dhulka beelaha waaweyn ee Soomaaliyeed min bad ilaa xudduudda Ethiopia.

v     Wuxuu leeyahay dano bulsho iyo dhaqaale, sida:

§         Isku xirka Koofurta iyo Woqooyiga Dalka.

§         Muhimad ganacsi ee kulmisa in badan ee dalkeena gudihiisa iyo xudduudda dibeddeedaba ah.

§         Bulshooyin iyo qabiillo kala gedisan ee deggan ama deris ku wada ah iyo khibrad dheeri dadkiisa ee bartamaha dalka oo dhan.

v     Khayraad iyo macaadin badan oo dhulkiisa ceegaaga.

v     Baaxadda dhulka Galmudug waxaa lagu qiyaasaa:

§         Dhinaca xeebta ilaa 345 km

§         Dhinaca koofurta ilaa 315 km

§         Dhinaca woqooyi ilaa 285 kmn   

§         Dhinaca xudduuda Ethiopia ilaa 85 km.

 

Annagoo xasuusan dhibaatooyinkii degaanku hore u qabay ee aan soo sheegay, waxaa is-weydiin leh, maxaa qorshayaasha la dejiyey iyo guud ahaan habsami u socodkii Maamulkaba la isugu dubbaridi waayey. Anigoo rajaynaya in si aad ila fahmi doontaan, waxaa lagama maarmaan ah in la idiinsoo bandhigo caqabadaha dhaliyey hakadkaas:

  1. Xannibaad dhaqaale iyo maaliyadeed, maadama kharashyada lagu hawlgalay dhammaan ay ka yimaadeen oo kaliya taageerayaasha Jaaliyadaha Beesha ee dibedda, taasoo aan si buuxdana loo sii wadin ilaa Maamulku cagahiisa ku istaagayo.
  2. Ma suurtagelin dakhli gudaha laga abuuro si deg-deg ah, maadaama ay arrintaasi u haahan tahay diyaargarow ku haboon.
  3. Degaanku ma lahayn dhul dhismayaal iyo goobo ilo dhaqaale leh, sida deked iyo ayraboor ama suuq weyn, xataa jidad la isugu socdo.
  4. Ma jirin adeeg bulsho ee la taaban karo oo dadka u socday marka laga reebo isbitaalka Galkacyo iyo dugsiyo ama ceelal biyo oo magaalooyin dhowr ah ay badankood ka fuliyeen hay’ado iyo shakhsiyaad jaaliyadaha ah.
  5. Kuma harin degaan dad la sheegi karo ee aqoon leh ama tababaran oo hawlaha Maamulka ka qaybqaata. Nasiibdarro xataa ma wada hawlgelin xubnihii Jaaliyadaha ee la magacaabay ama Shirweynihii ka qaybgalay.
  6. Culays badan oo ka yimid Ciidamada maleeshiyooyinka, ayna ad u adkaatay si falalka dagaallada sokeeye bareen looga reebo, looguna hawlgeliyo hab Ciidan Boolis ama loogu helo meherado kale; Arrimahaasi waxay u baahan yihiin tababar, gacan kuhayn adag iyo dhaqaale xooggan.
  7. Waxaa guud ahaan waqtigiyo dheer degaanka saameeyey dagaallo sokeeye iyo abaaro keenay in dad aad u badani ay aad u liitaan.
  8. Waxaa degaanka saameeyey loolanka siyaasadeed ee waqtiyadii danbe, taasoo sababtay in faragelin cad ay degaanka ku sameeyaan xoogag dano kala geddisan wata. Inkastoo dadaal badan maamulku galay, haddana waxbadan ma qaban karin maadaama uusan xoogaysan ee uu bilow ahaa.

Waxqabadkii Maamulka

Waxaan jecelahay in si kooban idiinkugu soo bandhigo qorshayaashii ugu horraynba Maamulku dejiyey, qaybna ka fuliyey oo u kala baxa saddex qorshe hawleed (3 Action Plans) oo ku jaango’naa muddada hore ee hawlgalka:

Qorshaha 1aad

 

Ø      Dhismihii iyo dhammaystirka Hay’adaha Dowladda.

Ø      Diyaarinta Shuruucda Miisaaniyadda & Xeer-Hoosaadyada kale.

Ø      Dhismaha Maamullada Gobollada & Hay’adaha Maamulka.

Ø      Abaabulidda, tababaridda iyo hawlgelinta ciidamada Nabadgelyada.

Ø      Diyaarinta & Hirgelinta Mashaariic Bulsho.

Ø      Ku tallaabsasho qorshe dhaqan-dhaqaale.

Ø      Socodsiinta iyo taabagelinta nabadaynta beelaha.

 

Qorshaha 2aad

 

Ø      Qaabaynta dhismaha degmooyinka & tuulooyinka.

Ø      Abaabulka & kormeeridda bulshada.

Ø      Qabashada Shirar degmooyinka.

Ø      Doorashada/Xulashada Maamullada Degmo.

Ø      Abuurid istiratijoyo & hab-shaqo ee Degmoyinka.

Ø      Xaqiijinta dhammaan qaababka Maamulka.

Ø      Abuuridda Guddiga Shaqada ‘Civil Service Commission)

Ø      Dhammaystirka Magacaabid sarakiisha sare ee Maamulka.

 

 

Qorshaha 3aad

 

Ø      Abuurid iyo horumarinta nidaamka dakhli ururinta, maaraynta shaqaalaha & qorshaynta dakhliga

Ø      Abaabulid shaqaale tayo leh, hab-nidaameed lacag bixin iyo mushaaro.

Ø      Dhismo goobaha adeeg ee muhimka ah.

Waxqabadka hirgalay

1.      Samaynta haykalkii dowladeed.

  1. Magacaabid badi xilalka kala ah:
    1. Xubnihii Golaha Wasiirada iyo kaabayaashooda, sida Guddoomiyeha Hay’adda Dakhli Ururinta, Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Xisaabiyeha Guud.
    2. Shan ka mid ah xubnaha Maxkamadda Sare, Maxkamadda Gobolka Mudug
    3. Guddoomiyayaasha gobollada Mudug iyo Hobyo, iyo ku-xigeennadooda iyo labada Duq-magaalo (Mayor) ee Gaalkacyo iyo Hobyo.
  2. Hawlgelin ciidamo boolis ah ee tiradooda iyo tayadoodu buuxin.
  3. Shuruucda la dejiyey:
    1. Sharciga asaasidda Hay’adda Dakhli Ururinta.
    2. Sharciyadii iyo nidaamyadii dakhliga iyo hababkii canshuur-qaadidda, xafidaadda iyo la-socodka dakhliga.
    3. Sharciga Dhismaha Maamulka Degmooyinka.
    4. Sharciga Gaadiidka iyo Taarigooyinka.
  4. Arrimaha dibuheshiisiinta oo la billaabay, welina socda, siiba kuwa ku wajahan walaalaha Galgaduud, si loogusii gudbo maamul ballaaran ee loo dhanyahay.
  5. Waxaa la casumay, oo xarunteenna noogu yimid hay’ado samafal, kuwaas oo loo gudbiyey mashaariic badan, ballanqaadayna in ay wax ka qabtaan.
  6. Waxaa kordhay dhismayaasha iyo furidda dugsiyo waxbarasho, iyadoo markii ugu horraysay sannadkan la billaabay dhigashada dugi sare dhinaceena iyo  dhismaha dugsi sare ee cusub.
  7. Waxaa hadda socda abaabulka, xaraynta iyo tababaridda Ciidanka Nabadgelyada.

Walaalayaal, haddaan si kooban u taabto arrimaha siyaasadda, iyadoo la tixraacayo Axdiga Dowladda  Federaalka ku meel-gaarka ah, bulshooyinka gobol kasta ee Soomaaliya waxay xaq u leeyihiin in ay isku darsamaan kuwo kale, gooni isku taagaan ama si toos ah looga maamulo Dowladda Dhexe.   Sidaas darted Axdiga Galmudug wuxuu qorayaa Dowlad-Goboleed sida ka jirta qaybaha Woqooyiga naga ah, waafaqsanna nidaamka Federaalka KMG ah iyo ismaamulka gudaha; wuxuuna Shirweynihiisii Gaalkacyo ee 25kii Julay ilaa 14kii agoosto ee 2006 ku ansixiyey saddex gobol ee Maamulku ka koobmo.

Muddadii Maamulku jiray wuxuu ku shaqeeyey mabaadiida Axdigiisa, taasoo uu ku doonay nabadayn iyo deris wanaag ee ummadaha dhexdiisa, dariskiis iyo Soomaali weynba. Waxaa xusid mudan ee nasiibdarro ah in deriskeenna Woqooyigu aysan noolagaran sidii wanaaggu ahaa. Dhinaca kale, waxaa xiriiro iyo wadahadallo ka doonay Maamulka Dowladda KMG ah, taasoo uu runtii markii hore caqabado badan kala kulmay, hayeeshee laga helay qoraallo yididiilo leh ee ee iskaashi iyo taageeroba loogu dalbayo Maamulka. Xaqiiqdu waxay tahay in masuuliyadda aaya-ka-talinta dadkeenna iyo dagaankeennu annaga na saran yahay, u madax-bannaanahay, kuna shaqaynayno sidii danta waxqabadka ee ummaddeena looga miradhalin lahaa, annagoo midnimadeenna, isku kalsoonideenna xooggeenna, kartideenna iyo aqoonteenna adeegsanayna; Ilaaheenna kaashanayna.

Sababaha kore dartood, waa arrinta dhawaan wafti aan hoggaaminayo uu dalka dibedda uga soo baxay, booqashooyinkana ugu kala bixiyey gobollo badan ee dalka Maraykanka ah, uguna talajiro in ku maro dhawaan waddammo kale ee Canada, Yurub iyo meelo kaleba, Ilaah idankiis. Waxaan markale ammaan iyo bogaadin u jeedinayaa taageerayaasha Galmudug ee Gaar ahaan sida aadka ah soodhaweynta, taageeridda iyo taakulayntaba wafdigayga u sameeyey.

Hadaba, iyadoo aad xogogaal u tihiin xannibaadaha dhaqaale ee dalka manta ka taagan, balse kaashanayna waxqabadkiinna, isla markaana tallaabooyin dhiirigelin leh laga gaaray kulamadii aan hay’adaha kale la yeeshay, welina noo socdaan; waxaa si hagal la’aan ah ugu dadaalaynaa in aan ku shaqayno wax u qabadka bulshadeenna iyo horumarinta degaankeenna.

Walaalayaal, mar kale hambalyo, waxaana Ilaah ka baryayaa in aan sanadkan kiisa kale ku tallaabsanno waxqabad muuqda.

Wa Billaahi Tawfiiq.

 

Dr. Maxamed Warsame Kimiko

Madaxweynaha Galmudug

Washington DC, 14ka Agoosto, 2007

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com