Gabay: Dhulku Waa Halbowlaha Naftiyo HOOYO aan Gurine...By Qamaan Abdil Waaxid

Sept,5,2007 www.Hobyoradio.com

Maanta oo ay taariikhdu tahay 09/05/07 ayaa waxaan xiriir la sameeyey Qamaan Abdilwaaxid oo ah Abwaan aad ugu maansooda suugaanta noocyadeeda kala duwan, haatana mudo gaaban kasoo maqan Magaalada Dhahar oo magaaladiisii ah.


Abwaanka ayaa waxaan weydiiyey in suugaan uu ka sameeyey la dagaalanka Xaalufinta oo maalmahaan dagaalo ku dhexmarey ciidanka ka hortaga iyo ladaalanka xaalufinta iyo ciidan Qowlaysato dhir iyo deegaan la dagaalan ah.   Abwaanku wuxuu I weydiiyey qalin inaan heysto: Arintaasi fajac iguma noqon, suxufi sidiisii ayaan ana qalin ku boobay.


Gabaygan hoos ku qoran waa gabay ka hadlaaya dhibaatada iyo hormar la'aanta haysata dadka reer Sanaag/Galbeed Bari oo haatan aad moodid iney hurdada ka kacayaan. Abwaanku wuxuu aad u iftiiminayaa Dadka u hub gurtey sidii ay u xaalufin lahaayeen dhirta iyo deegaanka ilaahay dalka ku manaystey iyo arimo kaloo xiisa badan oo aad gabayga kaga bogandoonto…


Wuxuu Yiri:
 

Hilaad gabay baryahaan Saalaxow Haanso malahayne
 

Humaageeda waataan dhigaye hooris keedaba e
 

Haasaa-sehaa ila galee kuma hanbaaseene
 

Iisoo-hogtooy waxa la dhacay ma hurtadeeniiye


Dadku waa hanaan iyo inay talo hagaysaaye
 

Hortaydaa banaan uumiyuu kuma hagaagaane
 

Habqana laguma noolaan karo waa hantaqa-weyne
 

Hindisaha bulshadu waa inuu hurumar yeeshaaye


Habsan baa kudhacay reer toloow himila-diiniiye
 

Dadku wuxuu ku haasawayaa maanta heer qarane
 

Waxay ku herdamayaan inay calan haleelaane
 

Hanna-qaadyey ina Yuusufkii haystey reer Bariye


Waakaa hogaan maamul iyo jooga heer sara e
 

Hirdi-faagi wakaa tan iyo haysta Baydhabo
 

Soomaali wakaa hor kacay hagina dooneeye
 

Hankaaguu ku siiyaa Ilaah heerka uu yahaye


Ka hadaafyey qeyrkiin intaad hogo-shideyseene

Maan taad hidii-diiliyo haykal sida-taane
 

Maantaad habkii gobi lahayd ku herdameysaane
 

Maantaad hilad dawladnimo haybsateen ficile

Hurumarinta xeebaha, badaad ka harqan doontaane
 

Waa hodon dhulkeenuye dadnima haw hanbaynina e
 

Hanaqaad kadhiga MAAKHIR waaloo hanweyn yahaye
 

Inta hoos daloolada wadiyo horor ka gaashaanta


Afar taa hanaan maamul iyo hiilan gabayaa dheh
 

Afar kalena hadaftii la jaray hadimadeedii dheh
 

Inkastood hamuun badan qabtoo gaaja hidin weydo
 

Hayinkaaga lama gawraciyo heetista irmaane
 

Waxaa la haybah hadaftoo baxdiyo hodonka geedaha e
 

Dhulku wa halbawlaha naftiyo hooya aan gurine
 

Waa hoy dadkiyo duunyaduba ka haqab-beelaane
 

Hanti weeye laysaga dhintiyo dhaxal lahaystaaye
 

Waa hibo  indhaha daawadaa u hanqal taagaane
 

Waa hays-barwaqiyo wanaag laga helaayaaye


Wa haleela kuu curatayoo ubad ku-heemaaye
 

Waa huga dharkaagoo Ilaah kaaga dhigay hoy e
 

Waxaad haysataan xoolahaa laynugu hubaaye
 

Ma ogtahay hadhkiyo geedku waa himiladoodiiye
 

 Afarta hilaadshee hadaan hore u wey daarto
 

Waa wada hawaar SOOL ninkey dani ka haysoow e
 

Hurgumaa lamoodaa dhirtii hadaftu saarnayde
 

Huluc iyo birbaa lagaga dhigay gale habaas weyne
 

Hadhbaad qiiqa moodaa kobaha huraya maantiiye

Habeenkiina belelkaad sidii hir u arkeysaaye
 

Sida had bakhtiga ugu dhacaa col u hob-sheeyaaye
 

Haawey shisheeyiyo Abow Heeranaa tubane


Sida awr hayina ood hayaan reera kaga guurtey
 

Ama maal hadhiinoobey oo looga haray meyti
 

Waxa  nacabku kala hooshayaa mahurta-diiniiye
 

Loona Hamran mayoo adaa gabay halkaagiiye
 

Adinkaa ka hawl galay in taad hiil ugeli layde

 

HIRIIDiyo wixii SOONAYAAL hadaf galool taaley
 

FAR-SHABEELO hawd bey ahayd lagu habaabaaye
 

Maantana higliyo lagama helo hiilkaney tahaye
 

HAYAAQLE iyo BOOXAARO maleh geed harloo galo e
 

Waa wadada hurgumo wixii indhaa ka hor-yimaadaaye

CANAANIYE gabaad lagama helo  hamash wixii yiile
 

Hohe LABA-DUGSIILIYO la goyy duudi HADHACWEYNE
 

Hanfibaa ku dhaca xeeradiyo hoosadii BURURE
 

Dhir hulaaqda mooyee kobaha looma dayo hoose
 

Ka hayaame xoolihii BALIYO kumana hoydaane
 

DAMAL-GOREY indhuhu kama helaan geed hadh loogalo e
 

Habari xaaba kama qaado XIMAN higil wixii yiile
 

Haldhaa iyo wixii dabis-garow bayrac hoganeysey
 

Haadki majoogaan dhulkii haybada lahaaye
 

Hadimada dalkaa gaadhey iyo huluca saameeyey
 

Huqbaad kala kul meysaa ninkii dhiig ku harayoow e

Hadal han mabuuxshee tolow la idin haaranye
 

Hanba qabasho mooyee warkale haatan agab beelye
 

Hubka qaata oo dila Jahliga idin halaakeeyey
 

Hurin-hurin intaad ugu baxdaan Hawsar ku afuufa


Insha-alaahu hadafkeenu weynoo hir gelayaaye
 

Haka daalinine oo waqiin hawga soo kicina
 

Nina libin haysaga doonina hura naftiinoo dhan
 

Hormo iyo labay diin hadhee hororka naafeeya
 

Iminkuu daruur la harqadiyo roob ku helayaaye
 

Iminkey habsami noogu bixi hiilihii go'aye
 

Iminkey haraadkiyo ka bixi holoci naareede
 

Iminkey dhulkii haakah oran hiilka loo galaye
 

Hoobaan fufaysiyo hadey geeda soo bixiye
 

Weynoo hagaagtaye toloow nabad kusoo hoyda
 

Weydiin hagaagtaye tolow nabad kusoo hoyda
 

Weydiin hagaagtaye tolow nabad kusoo hoyda
 

Weydiin hagaagtaye tolow nabad kusoo hoyda

Fure:
Hiriido, Soonayaal, Booxaaro, Far-shabeelo, Baliyo, Hayaaqle, Laba-dugsiile, Hadhac-weyne, Canaaniye, Dowda-Burur, Damal-gorey, Ximan: Waa Deegaano iyo tuulooyin ku yaala Gobolada Sanaag, Sool, iyo Bari.

Curintii: Abwaan Qamaan Abdil-Waaxid

 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com