Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |
Talooyinka Sosda ee waxbarashada deegaanada Galmudug ( Warbixin & Xog )By. Dr. Max'ed Haji Ereg

Sept,7,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug Dhagayso wararkii Idaacada Hobyo ee Jan,19,2010 Dhagayso

Talooyinka Sosda ee waxbarashada deegaanada Galmudug

Somali Society Development Association

Tell: +252-90-611612, 252-90-795356

Email: sosdaorg1@yahoo.com

KU: DHAMAAN QOF KASTA AMA KOOX KASTA OO DANAYNAYSA            HORUMARKA DAWLAD-GOBOLEEDKA GALMUDUG

Ujeeddo: TILMANTA TUBTA HORUMARKA DEGAANKA

        Marka hore, dhamaantin Asalaamu caslaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu, salaan ka dib, BAL horta, Allee Weyne ha laga baqo oo qof kasta kaligii ha is-xisaabiyo inta aan la xisaabin. Waa waano la isku leeyahay.

          Marka xiga waxaan doonaynaa inaan idiin sheegno SOSDA( Somali Society Development Association) waa urur bulsho oo ka shaqeeya nawaaxiga Dawlad-Goboleedka Galmudug, oo xaruntiisu tahay Gaalkacyo, Ururkaan wuxuu muddo ilaa toban sano ah ka shaqeynayey horumarinta hawlaha Waxbarashada Gobolka Mudug,

Iyo Gobolka Hobyo, walina wuu ka shaqeeyaa.

          Sida laga yaabo inaad dhamaantii wada og tihin, bulshada ku nool degaanka Galmudug aad ayey ugu dambeeyaan xagga waxbarashada maaddiga ah, xilli dhow ka horna waxba lama baran jirin, taasna waxay noola muuqataa in ay sabab u ahayd arrimahaan:

  • Dadkii aqoonta lahaa ee la doonayey inay dadka waxbaraan ama baraarujiyaan oo degaanka ka tegey, xilliyadii dagaallada ama ka horba.

  • Dadweynaha oo aaminsanaa in cid aan dawlad ahayn aysan Waxbarasho wadi Karin ama aanba xil ka saarnayn, waayo waligood ma aysan arkin waxbarasho private ah oo aysan dawlad gacanta ku hayn.waxayna la sugayeen, markii dawlad la helo. Si ay lacag la’aan wax ugu bartaan,intooda rabtay waxbarashada waxaana khalad ula muuqday inay carruurta lacag ka bixiyaan waxbarashadooda.

  • Resourceska dhaqaale iyo aqooneed ee la heli karay oo yaraa, xataa haddii uu jiray faham iyo rabitaan aqooneed oo kooban.

·         Qurbajoogta Gobolka oo aan isleenahay waa dadka kaliya ee aqoon ahaan iyo dhaqaale ahaanba hawshaas dhaqaajin karey oo aan aad ugu hagar bixin hirgelinta arrintaas, marka laga reebo Ururka Daryeel Association Sweden oo aan hubno in uu yahay midka iska leh abaalka iyo libinta aan cidi la wadaagin ee hanaqaadka iyo horumarka ay ku tallaabsatay waxbarashada Gobolku, iyadoo la og yahay naf-hurnimadii ay u galeen meelmarinta tacliinta Gobolkas oo aad wada og tihiin in lagu raseeyay degaannadeenna dhexdooda hawshaas dareed. Waxaa xusid mudan: dhowr iyo toban ka mid ah Ardaydii ay Daryeel Association Sweden A,B,C uga billaabeen Ceelguula, iyo C/Ciise,waxay haddii Eebbe idmo hal bil ka dib ugu ambabaxayaan dibedda Deeq waxbarasho Jaamacadeed oo ay ka heleen Jaamacadda Al-Axqaaf Yemen, ka dib markii ay dhamaysteen waxbarashadoodii hoose, dhexe iyo Sare, waa mahad Ilaahay.

Sidoo kale waxaa iyana xusid mudan ururro iyo qaybo badan oo ka mid ah Jaaliyadaha Galmudug oo hore u billaabay ama wali gacanta ku haya hawlo waaweyn oo xagga waxbarashada ah, hase yeeshee dhamaantood wali kuma guulaysan inay soo saaraan arday u gudubtay Waxbarashada Sare

  • Qaybo bulshada ka mid ah oo aan fahamsanayn waxtarka Tacliinta, una arkayey wax aan waafaqsanayn diinteenna Islaamka ee muqaddaska ah iyo dhaqankeenna, waayo waxay arki jiree iskuullo ay gacanta ku hayaan dad aan muslim aheyn, iyo arday aan ilaalinayn dhaqanka Islaamka ee Toosan iyo anshaxa iyo akhlaaqda ay diinteennu na farayso, sida wiilal iyo gabdho isku dhex jira, kuwo ay cawradoodu muuqato, casharro aysan diintu oggolayn oo ardayda la barayo, sida hantiwadaagga, shuuciyadda iyo evolutionka iwm, taas oo markaas ay sax ku ahaayeen, hase yeeshee hadda ka duwan sidii hore oo ah manhajka iyo muqarrarkuba inay yihiin wax  gacantaada ku jira iyo sidii aad adigu ka dhigato ee aan laguu yeerinayn.

     Si kastaba ha ahaatee, arrintu maantay sidii hore wey ka duwan tahay oo waxaa wax lagu farxo ah in Galmudug State dhexdeeda ay ka jiraan in ka badan 30 dugsi oo 98% formal education ah, kuwaas oo diyaar ah, tabartooda shaqo wax kasta ha la ekaatee, isla markaasna bulshada Galmudug State dhamaantood culummo iyo caammo waxay diyaar u yihiin inay soo dhaweeyaan oo qaataan waxbarashada maaddi iyo diini intaba, si fiicanna uga faa’idaystaan, hase yeeshee, dhinaca kale waxaa jira culayso habsami u dhaqangalka arrintaas lug jiidaya, ayna ugu weyn tahay dhaqaale yari, haysata waalidiinta ardayda oo aan dabooli karin baahida macallinka iyo maamulka dugsiga, kuwaas oo aan hubno  haddii ay heli lahaayeen wax yar oo taageero ah,waxay u socon lahaayeen si habsami leh.

   Hadda, dugsiyada ardayda dhigataa kama badna boqollaal iyo tobnaan, hase yeeshee waxaan hubnaa haddii ay isku dubbadhici lahaayeen oo ay heli lahaayeen dhaqaale iyo macallimiin tayo leh, waxaa la heli lahaa dugsiyo ay dhigtaan kumanyaal. Waxbarashadaas korortayna waxay wax weyn ka tari lahayd horumarka bulshada iyo isku fillaanshaheeda, waxaana yaraan lahaa dhallinyarada qoriga ka raadinaya nolol maalmeedkooda,

 Hadaba, Ururka SOSDA, asagoo ka amba-qaadaya waaya-aragnimasiisa dheer ee xagga  horumarinta waxbarashada wuxuu ku talinayaa in aan xoogeenna oo dhan aan isugu geyno, inaan dadkeenna wax barno.

Waxaad og tihiin dalka Shiinaha wuxuu xornimadiisa ka qaatay Jabaan 10 sano ka hor markii ay Soomaaliya xornimada ka qaadatay Talyaaniga iyo Ingiriiska, Markii ay xoroobeenba waxay qaadeen Olole ay u bixiyeen (cultural revolution) oo ah kacaanka aqoonta, kaas oo gaarsiiyey inay maantay gaareen meesha adduunka ugu sarraysa, waxay ku gaareen waa aqoon.

           Waxaan hoos ku taxaynaa tirade Dugsiyada ka jira Galmudug State iyo kaalmaha ay u baahan yihiin, waxaan ka codsanaynaa cid kasta oo ka qayb qaadan karta gaar ahaan qurbajoogteenna inay koox koox isku abaabulaan oo kooxiba ay hal dugsi xoogga saaraan          Siiba dugsiyada ka baxsan gudaha Gaalkacyo oo aysan wali bulshadoodu u bislaan ama aysan awoodin inay iska bixiyaan fiiga ardayga.

      

N

Magaca dugsiga

nooca

Goobta

Baahida asaasiga ee dugsiga

1

Al-shacab-

H/Dh/sare

Galkacyo

Dugsiyadaan qaar waxaa

2

c/lahi Ciise

H/Dhexe

Galkacyo

Gacanta ku haya Jaaliyadda

3

Al-beder

H/Dhexe

Galkacyo

Galmudug ee dibedda

4

Al-xikma

H/Dhexe

Galkacyo

Qaarna waxaa lagu wadaa

5

Waaberi

H/Dhexe

Galkacyo

Fiiga  ay bixiyaan ardayda

6

Jamac seed

H/Dhexe

Galkacyo

Dugsiyada dhigata, qaar

7

MudugSare

Sare

Galkacyo

Waxaa dhaqaale yar siiya

8

SYL Sare

Sare

Galkacyo

Hay’ado samafal.

9

Calanley

H/Dhexe

Galkacyo

Dugsiyadaas hawshoodu

10

Carafaat

H/Dhexe

Galkacyo

Wey socotaa, waxayna u

11

B/Bishaaro

H/Dhexe

Galkacyo

Badan yihiin Gaalkacyo

12

Sh.Cali Samantar

H/Dhexe

Galkacyo

Gudaheeda.

13

*Horseed

Non-form.

Galkacyo

Hase yeeshee dugsiyada ku

14

*MGD School

Non-form.

Galkacyo

Yaal tuulooyinka ee ku

15

Mahad Alle

H/Dhexe

Galkacyo

Calaamadaysan xidigta

16

Galmudug

H/Dhexe

Galkacyo

Aad ayey u liitaan, waxayna

17

* Docol       

H/Dhexe

Docol

U baahan yihiin taageero

18

* Wargalo

H/Dhexe

Wargalo

Dhaqaale  oo buuxda mana

19

*G/Barwaqo

H/Dhexe

G/barwa

Socon karaan la’aanteed

20

Ceelguula

H/Dhexe

Ceelguula

 

21

*Ceeldibir

H/Dhexe

Ceeldibir

 

22

*X/Dhagaxl

H/Dhexe

X/dhagaxl

 

23

*Wisil

H/Dhexe

Wisil

 

24

*Gawaan

H/Dhexe

Gawaan

 

25

*Hobyo

H/Dhexe

Hobyo

 

26

Bud-bud

H/Dhexe

Bud-bud

 

27

*Xingod

H/Dhexe

Xingod

 

28

Qodaxtoole

H/Dhexe

Qodaxtole

 

29

*Bajeela

H/Dhexe

Bajeela

 

30

*Qaydaro

H/Dhexe

Qaydaro

 

31

Galliinsoor

H/Dhexe

Galliinsoor

 

32

Bandiiradley

H/Dhexe

B/diiradley

 

33

*S/Higlo

H/Dhexe

S/Higlo

 

34

*Dagaari

H/Dhexe

Dagaari

 

 Tirada dugsiyadu wey sii badanayaan maalin walbana waxaa furmaya dugsiyo cusub.

F.G.     Dugsiyada kor ku tixan waxay leeyihiin dabeecado kala duwan,

1-dugsiyada qaar si fiican ayey u socdaan, gaar ahaan kuwa ku yaalla Gaalkacyo dhexdeeda, sababtoo ah, ardayda dhigata dugsiyaas waxaa laga qaadaa inta badan lacag,taas oo lagu bixiyo kharajyada ku baxa dugsiga siiba macalliiinta, marka dugsiyadaas in badan oo ka mid ah waxay ku jiraan guryo kiro ah oo aan ku habboonayn waxbarashada, waxayna u baahan yihiin in laga caawiyo kirada guryaha inta ay ka helayaan dhisme dugsi oo ku habboon.

2- Dhamaan dugsiyada ku yaalla degaannada ka baxsan Gaalkacyo, ardayda lacag lagama qaado waayo dadka degaannadaas wali uma bisla ama maba laha awood dhaqaale oo ay ku dabbiraan baahida macallinka iyo dugsiga,marka laga reebo Ceelguula, Bud-bud, Galliinsoor iyo dhowr meelood oo kale, kuwaas oo ay caawiyaan Jaaliyadaha dibedda.

Haddaba inta soo hartay, hawlahooda waxbarashadu aad bey u liidataa, sababtuna waa, macallin la’aan, iyo dhaqaale la’aan. ,dugsiyada qaar waxaa jooga hal macallin kaliya, qaarna maba haystaan xataa hal macallin oo tayo leh, sidaas darted, waxay ku socdaan si aad u liidata

Ugu dambayn, waxaan u soo jeedinaynaa cid kasta oo ka mid ah Bulshada Glmudug State oo jecel horumarkeeda in ay si uun uga qayb qaadato horumarinta Waxbarashada Galmudug State, ha ahaato maskax, dhaqaale iyo wixii kale ee suurto gal ah, gaar ahaan qurbajoogta Galmudug waxaan ka codsanaynaa inay arrintaas u istaagaan oo hirgeliyaan ,ayagoo koox-koox iyo degaan-degaan isugu leexanaya dabadeedna degaankiiba ama kooxdiiba hal dugsi dusha u ridanaya. Haddii sidaas la sameeyo inta ay bulshadeennu si fiican u fahmayaan faa’idada aqoonta ayna ayagu gacanbta ku qabsanayaan.

waxbarasshada carruurtooda Waxaarumoobaya riyada ah in mar la arko Galmudug oo ay ka soo baxaan aqoonyahanno ku filan hanashada arrimahooda kala duwan. Runtii, horumarinta aqoontu waxay qayb weyn ka qaadanaysaa fahamka Dawladnimada, Ammaanka Bulshonimada iyo ilaalinta Xuquuqda Aadanaha, waxayna yaraynaysaa ama tirtiraysaa qabyaaladda,saboolnimada, nabadgelyo-xumida iyo meelka-dhacyada xuquuqul-insaanka, taas oo ah furaha horumarka bulsho kasta.

     Waxaan rajeynaynaa in maqaalkan la siin doono ahmiyadda uu leeyahay, ayna kasoo bixin doonaan jawaabo mirodhal ah oo deg deg ah..

WAAD MAHADSAN TIHIIN, ALLE HA IDIN AMAANSADO MEEL AAD JOOGTAANBA

QORE. Maxamad Xaaji Ereg

Sosda director- Gaalacyo
 

 
 
Shir U dhexeeyey Masuuliyiinta Galmudug iyo Haayada Qaramada Midoobay ee UNOCHA ,UNDP, WFP, UNHCR,Iyo FAO oo Kadahacay Magaalada Gaalkacyo. Daawo Sawirada
Roobab Lagu Diirsaday oo Kada' ay Gobolada Galmudug xili Kulaal ba an laga dareemayey Waqtiyadii Ugu Danbayey. Daawo Sawirada
Saxafiyiinta Gobolka Mudug oo Canbaareeyey Talaabiiyin kabaxsan Anshaxa saxafada oo ay baryihii lasoodhafay Kukacayeen Idacaddo Kuyal Waqooyiga GalkacyoApril,13,2010
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Galmudug oo Kadib  kulan ay kuqaateen Xarunta Madaxtooyada Wafdi heer Wasiiro ah U diraya Gobolada  ay Abaaruhu Saameeyeen April,13,2010
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State|