|
Ururka Haweenka Horseed oo maantay Deeq raashin ah u qeybiyay caruur agoon ah oo Ku nool Magaalada Gaalakacyo.
Sept,9,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010
Dhagayso
Halkan ka Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula
Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug
Dhagayso
wararkii
Idaacada
Hobyo ee
Jan,19,2010
Dhagayso
Ururka Haweenka Horseed oo maantay Deeq raashin ah u qeybiyay caruur agoon ah oo Ku nool Magaalada Gaalakacyo.


Ururka waxbarashada haweenka horseed ayaa maantay xaruntooda magaalada gaalkacyo ugu qeybiyay caruur agoon ah raashin kaasoo ah zakaatul fidri ay soo dhiibeen hay'adda xanaanada agoonta ee Norwey.



Madaxa ururka waxbarashada haweenka ee horseed Xabiibo koofuroof oo ka hadashay goobta raashinka loogu qeybinaayay caruurtaasi agoonta ah ayaa marka hore u mahad celisay hay'adda norwey oo ay sheegtay in raashinka ay soo dhiibtay.


Xabiibo koofuroow waxaa kaloo ay sheegtay in raashinkaasi ay qeybiyeen uu yahay bur iyo bariis qoys walbana ama agoon walba in uu heelaayo 5kiilo oo bur ah iyo 5kiilo oo bariis ah.
Sidoo kale waxa ay sheegtay in raashinkaasi maantay loo qeybiyay 130 caruur agoon ah iyo 50 qoys oo dan yar ah oo aanan waxba haysan islmarkaana u baahan in la caawiye.
Gudoomiyaha ururka waxbarashada haweenka horseed Xabiibo koofuroow waxa ay sheegtay hay'adda norwey in ay caruurtaasi agoonta ah bil waliba ka bixiso waxbarshada qur'aanka iyo midda iskuulka ayadoo arday waliba ka bixiso lacag dhan 15 doolar.
Ugu danbayntii xabiibo koofuroow waxa ay ka codsatay hay'adaha samafalka in ay gacan ka geystaan sidii caawinaad loo soo gaarsiin lahaa caruurtaasi agoonta ah.
Nuuradiin Cismaan Max'ed (Abuuakram)
nuuradiin5@hotmail.com
002526-90753825

|