Tariikhda Hobyo-City

Magaalada  Hobyo Waa  Magaalada madaxda Gobolka Hobyo  ee Degmada Xays,  Waxayna  ku Taalaa koonfurta Dowlad Goboleedka GalMudug State ee xeebta Badweynta Hindiya.

HobyoHistory Halkan Riix

Hobyo Grasslands and Shrublands

Magaca Hobyo marka uu baxay iyo sida uu u baxay midna si saxa looma yaqaan, hasayeeshe  waxaa la sheegay in magacaas oo ah mid da’ weyn in loo maleynayo inu ka yimid laba ereay  oo kala ah: “ Hoo Biyoh” sababtoo ah magaalada dhulka xeebta ayaa biyo aad u macaan oo wax ka yar laba feet lagu gaaro. Hobyo waa marso dabiici ah oo ganacsi iyo xiriir dheer la soo lahayd dalalka kulaala Bad Weynta Hindiya iyo Khaliijka .

Where
Eastern Africa: Somalia
Biome
Deserts and Xeric Shrublands
Size

10,100 square miles (26,100 square kilometers) -- about the size of New Hampshire and Rhode Island combined

Conservation Status
Vulnerable

1885 ka hor  deegaanka, sida dhulka Soomaaliya ay oga talin jireen nabadoonada-ugaasyada-malaaqyada-wabarada,ayaa waxaa nabadoonadii xiligaas  ka talin  jiray hobyo iyo agagaarkeeda  ka mid ahaa DUQOWDII beesha  ee xiligaas,Mohamuud Ayaanle Guuuleed, Cali Cumar, Guuleed Faarax, iyo Shiikhow Caalin.

 

1884 markii shirkii Baarliin Reer Yurub  ay Afrika  qaybsadeen,

Talyaaniguna Gobollada Koonfureed uu saanyaday ayuu heshiis la galay Yuusuf Cali (Keenadiid) oo ka soo jeeday Baargal ee Bari, wuxuna Talyaanigu soo siiyay hub iyo dhaqaale farabadan oo uu ku qortay ciidamo iyo dad adoon ah oo laga keenay Afrikada Bari. Sida laga warqabo Talyaanigu dhulka Soomaaliya toos uma qabsan ee qabaailkii Soomaalida ayuu xiriir la samaystay sidaas ayuu tartiib-tartiib dhulka ku wada qabsaday.

Waxana jirtay Laba nin oo Boqortooyo sheegtay waqtigaas oo kala ahaa tii  Baargaal oo uu  madax ka ahaa  Cusmaan iyo tii Hobyo ee reer Keenadiid in labaduba ay Dawladii Talyaaniga wakiil ka ahaayeen oo ay mushaar ka qaadan jireen Talyaaniga.

1885 aya Keenadiid oo dooni wata ka soo degay marsado Hobyo, wuxuna codsaday in loo oggolaado badeeco u wato inu meesha kaga ganacsado, isla markaasna wuxu bilaabay dhismo  markii dambe isku rogoy qalcad. Si kastaba ahaatee Keenediid xeelad aan xoog ka marnayn ayu ku degay Hobyo ,isagoo markii dambana Boqor isku magacaabay.Keenadiid xukunka waa laga riday oo dawladdii  Ingriska iyo Talyaaniga ayaa gartay in loo dhiibo  wiilkisa Cali Yuusf  kaasoo isagoo gacan ka helaya dowladdii Talyaaniga  soo xukumay Hobyo ilaa 1925.

Talyaanniga marki uu talada ka qaaday  Cali Yuusuf, xilka talada deegaanka wuxuu ku wareejiyay Nabadoonnada kala ahaa: Ducaale Kaahiye, Jaamac Seed ,Nuur Cali Cumar,Maxamuud Degel, Xaashi Cilmi Guuleed, Cabdille Gorod, Maxamed Cabdi Dheere, Beered Kulan , Xasan Cilmi Fagaas iyo rag kale oo isugu jiray culumo iyo ganacsato ay ka mid ahaayeen Xaaji Maxamuud Ereg, Xasan Cadde Fiqi, Sheekh Cilmi Barkhadle, Sheekh Cali Yuusuf, Cabdi Khayre(Cabdi Kharaare), Faarax Qaarey, Cusmaan Gurey oo nabadgalyada iyo xasilloonisa iyo nabad ku noolaanshaha Gobolka Mudug qayb wanaagsan ka soo qaatay. Nin la oran jiray Khayre Gabay oo ahaa ragii gabyi jiray Qarnigii 18,una dhashay deegaanka hobyo, aya tix aanu ka hayno intan ku yiri:

  • Isha Qoolle oogada Hobyood uun horaa degaye

  • Nimankii awowgood lahaa waa adeegsimo e

  • Waa laga ijbaaraye marsada lama ibaaxayne.

Tixdan waxaa laga fahmi karaa in magaalada dad hore ay deganaayeen kuwaaso loo ,xoog sheegtay.

Hobyo iyo deegaankeeda waa meel Allaheena Weyni ku mannaystay nicmooyin farabadan , cimiladu waa mid dhex-dhexaad ah, waa deegaan xoola dhaqashada aad ugu wanaagsan oo biyo iyo baadku aanu ka salguurin,  inta la xasuusanyahayna weli abaar weyni  kama dhicin deegaankaas .

Waa dhul beereed aad ugu wanaagsan tacabka gaarahaan digirta, masaggada,qaraha, qajaarka iyo khudradda yaryar,sidoo kale khayraadka badda waxay ka mid tahay meelaha Soomaaliya ugu kalluumaysiga wanaagsan. Shirkadihii Soomaaliya ka sahmiyay shidaalka waxay sheegeen in Hobyo One iyo Wesil oo labaduba deegaank a Hobyo ah in la filayo inuu ku jiro kayd weyn ee shidaal. Waa magaalo xadaarad iyo ilbaxnimo facweyn leh, waxayna can ku tahay kala duwanansha beelaha oo waa meel la wada deganyahay kuwa laga tira badanyahna aan xuquuqdooda aan marna la duudsiin oo weligeedba nabad dadku ay ku wada noolaayeen wixii ka horeeyay 2005,markaaso dad wax ma garad ah ay dagaal ka rideen magaalo xitaa aan qori iyo xabbad aan laga aqoon. Xilliyadii isticmaarka Talyaaniga markii uu Soomaaliya oo dhan qabsaday magaalada Hobyo waxay ahayd saldhigga  iyo dekedda inta u dhexeysa Jowhar ilaa Bari ilaa dhulka Soomaali Galbeed.

Sheekh Calisalaad Sheekh Cabdi oo hadda ku nool gobolka- colorado-magalada madaxdiisa- DENVER,ee wadanka Maraykanka. oo in mudo ah madax ka ahaa wasaarada arimaha diinta ee soomaaliya.kana mid ahaa xisbigii SYL ahaana  mudanihii ugu horeeyay ee laga soo dooortay Hobyo 1956,deegaan ahaana ka soo jeeda Hobyo,  waxaa laga wariyay in uu u soo joogay 35 markab oo isku soo gaartay Hobyo xilligii Talnyaaniga uu u diyaargaroobayay weerarkii Abbisiinya ee lagu weeraray Eithopia.

Magaalada Hobyo waxay ahayd xarun weyn ee aqooneed oo fidinta iyo barashada diinta Islaamka iyo culuumta si wanaagsan uga hirgalay, waxana mudan kaalintii uu ka soo qaatay Sheekh Cali Samatar oo markii hore koonfurta ka yimid hasayeeshe markii dambe Hobyo iyo deegaannadeeda xarumo ka sameeyay kuwaaso culumo iyo dad badniba ka aflaxeen. Waxa kalo xusid mudan in farta Cusmaaniyada ay tahay Hobyo halkii ay ka  soo baxday 1921, fartaaso mar ahayd farta rasmiga ee xoogaggii gobonimadoonka ee Leegada iyo xiriirka ganacsiga Soomaalida inteeda badnayd.

Wixii ka dambeeyay 1960 magaalada Hobyo waxaa la soo darsay cadaadis iyo dib u dhac qorshaysan ee kaga yimid Xukuumadihii kala duwanaa iyadoo halis (victim) u noqotay labada dekedood ee Berbera iyo Boosaaso oo xoolaha Soomaaliyaintooda badan laga dhoofiyo ahna goobo aan xooluhu ku badnayn kuna dhaqmi karin ayaa dadka deegaannadaas ka soo jeedaawaxay Hobyo oo ah goob istraateji ah dhan kasta u arkeen cadow mudan in lala dagaallamo taasoo ay si ku meel gaara ugu guulaysteen, hasayeeshe waa hawl la isaga dambeeyo oo rag iyo rabbi leh.

Dib u dhaca kale wuxuu ka soo gaarey dadka u dhashay oo aan isku xilsaarin in deegaankooda ay wax ka qabtaan,markii ay arkeen culayska siyaasadeed ee saaran ayay Gaalkacyo iyo Xamar uga soo haajireen halkii ay ku mitidi lahaayeen magaaladooda HOBYO.

Haddaba maantay dadka u dhashay deegaanka Hobyo oo aan filayo inay ku baraarugeen sida ay u horumarinayaan dadka kale  iyagoo ka faaidaysanaya khayraadka iyo waaya aragnimada arrimaha dunidawaxaa la gudboon in ay u tafaxaytaan horumarka iyo gacansiinta dadkooda iyo deegaankooda.

Shirweynhii   lagu Qabtay Magalada Gaalkacyo 15, July, 2006 ayaa dadka u dhashay Gobolka ay ku Yagleeleen  Dowlad Goboleedka GalMudug State  ayadoo Taariikhdu markay ahayd  14,Augosto,2007 lagu dhawaaqay GalMudug State.

Hadaba Tilmaamtii, Guubaabdii, iyo Taladii  uu Bixiyay Avv. C/rahman Ereg ayay kasoo baxeen Dadka u dhashay Gobolka hada loo yaqaan Galmudug State.

Magaalada  Hobyo Waa  Magaalada madaxda Gobolka Hobyo  ee Degmada Xays,  Waxayna  ku Taalaa koonfurta Dowlad Goboleedka GalMudug State ee xeebta Badweynta Hindiya.

Gabaygan oo aad ka dareemayso, wadaninimo- sida ilaahay u barwaaqeeyay deegaanka Hobyo,sida dadkeedu u dayacay, sida ay  mustaqbalka noqondoonto  hadii ale idmo,waxaa curiyay GARYAQAAN,  DR.CABDIRAHMAN HAAJI  EREG. 

      Gobolka  Hobyo  GalMudug State Of Somalia       

Gabay La Magac baxay  HOBYO  GODON

  • Halkii aan ku dhashee       Hooyadu igu korisoo

  • Laygu soo hanqariyoo      Hobyo godon taydiiyay

  • Badda hirarkeediyo            Hawadii macaanayd

  • Naftu hibanaysoo                Hal-hayskii naftaydaay.

  • Dhulku kala habboono      Mid  waliba waa heeroo

  • Hoygii barwaaqada             Alla hiba u siiyoo

  • Dadku ku hiranaayoo         Hobyadii wacnayday

  • Markay hanaddaadii           Kaa haajireenoo

  • Dhul kale u hayaameen     Cidla kuu horseedeen

  • Nacab heellaanaan jiray    Huwan is bahaystiyo

  • Habaar qabayaal                 Horumarkaad sugaysiyo

  • Wixii kugu habboonaa       Ku hareer marsheeno

  • Huqda kugu dileenoo        Dhibka kuu horseedeen

  • Anna haatan iyo dan          Waan ku hilooboo

  • Waan kuu hanweynoo       Hullaabtii i saarnayd

  • Hagoogti iska qaadoo        Waxan heli karayiyo

  • Hanti waxan ka leeyahay   Waan kuu hurayoo

  • Kuwi kala hayaamiyo          Kuwi kala hallaabaan

  • Hayb-haybinaayoo              Habar-wacashadaaduna  

  • Hiilkaagu waa daw              Halgankaadu waa ballan

  • Heesaha ammaantiyo         Hawraarta maansada

  • Kuu hibaynayaayoo            Hambalyiyo salaanbaa

  • Dusha kaa huwinayaa        Halyayadaadi horeetana

  • Kuwii iilkka hoos galay      Hengel baan u dirayaa

  • Halku dhiggayguna            Iyo hoga tusaalahu 

  • Waa inoo Hobyo godon     Iyo hawsha ii taal 

  • Adiguna Hobyooy               Wixi haatan dabadeed

  • Isku kay halleeh                   Haddaanan iilka hoos galin.

Wixii taariikh gabayo ama guubaabo aad hayso oo ku saabsan deegaanada gobolka Hobyo, GalMudug State. fadlan noogu soo hagaaji. hobyoradio@hotmail.com

Hobyo, GalMudug State of Somalia

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com