|
Waxaa shalay
dagaalkii ku dhexmaray Ciiddamada Muslimiinta Maxaakiimta islaamiga
iyo cadowga Tigreeda Itoobiya oo adeegsanaya Malayshiyada C/Qaybdiid
iyo malayshiyada Cade Muuse xirsi degmagada Bandiiradleey lagu
laayay Culumaa'udiin iyo Mujaahidiinta xaq u dirirka Soomaaliyeed.
Isniin,25, 2006
Gaalkacyo,Somaliya
Culumadii shalay ay ku
gumaadeen degmada Bandiiradleey diyaaradaha Tigreeda Itoobiya ayaa
waxaa ka mid ahaa
Shiikh Saciid Gureey
oo ahaa culumada ugu Waaweyn ee gobolka Mudug gaar ahaan magaalada
Gaalkacyo
Shiikh Saciid
Gureey ayaa ka mid ahaa Culumadii Col. Cabdi Qeybdiid uu Amarka ku
bixiyay in la soo dilo haday sii joogaan magaalada Gaalkacyo.
Shiikh Saciid
Gureey iyo Culumadii jihaadka ku dhintay ayaa waxaa Maanta lagu
aasay Qubuuraha Cirjiife ee duleedka Magaalada Gaalkacyo
Maamulka iyo shaqaalaha
Hobyo Radio waxaan Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan
Muslimiinta gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen
Culumadii iyo Mujaahidiintii ku shahiiday gacanta gaalada iyo
gaala raaca ayagoo difaacaya Diinta islaamka iyo Dalka
Soomaaliya.
Innaa Lillaahi wa innaa
Ileyhi Raajicuun
Waxaan ilaahay oga baryaynaa in
ilaahay janadii fardowso ka waraabiyo eheladii ay ka geeriyoodayna
samir iyo imaan ka siiyo
aamiin.aamiin.aamiin.aamiin.aamiin.amiin.aamiin.aamiin
Gun iyo Gaalo Waa Farxeen???
Hobyo Radio
News Media

|